DIRAWALNIMO

University of Hargeisa

Human Resource Office

Feb.22, 2018

 

Jaamacadda Hargeysa waxay baahinaysaa shaqo ka bannaan oo ah dirawal Booyada biyaha ee Jaamacada .

Hadaba qofka shaqadan loo qaadanayo waxa laga rabaa inuu ka shaqeeyo gacan ku haynta booyada jaamacada biyaha usoo dhaamisa. Sidoo kale waxa uu masuul ka noqon doona dayactirka booyadda, ku shaqeynteeda iyo wixii hawlo ah ee kale ee loo baahdo.

 

Sidaa darteed, cidii danayneysa waa in ay codsigooda shaqo iyo shahaadooyinkoda keenan xafiiska Shaqaalaha Jaamacada Hargeysa ama hakusoo kusoo diraan cinwaanka Director.hr@uoh.edu.so.

Shuruudaha looga baahan yahay inuu buuxiyo qofka shaqadan soo codsanaya waa sidan;

  1. Waa inuu haysto Shahaado dugsi dhexe ama wax u dhigma
  2. Waa inuu leeyahay ugu yaraan 4 sano oo waayo aragnimo shaqo oo baabuurta waaweyn ah
  3. Waa inuu leeyahay xirfad, karti iyo faham uu kaga hortagi karo kuna maareyn karo xaaladaha adag
  4. Waa inuu lahaadaa hawlkarnimo iyo firfircooni
  5. Waa inuu lahaadaa hab-dhaqan iyo akhlaaq wanaagsan
  6. Waa in aanu lahayn balwad sida qaadka, sigaarka iyo wixii la mid ah
  7. Waa inuu haysto liisanka wadidda baabuurta waaweyn oo sharcigiisu u dhan yahay
  8. Waa in uu xirfad iyo aqoon u leeyahay inuu maareyn karo ciladaha gaadhiga ku yimaada.

Waqtiga Qabashada Araajidu wuxuu xidhmayaa 9thMarch, 2018